Halkee Ayu Maraya Khilaafka Ganacsatada Iyo Wasaarada Maaliyada&Xirnanshiyaha Suuqa Bakaaraha

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanaya Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in saakay dib loo furay oo uu shaqeynayo ganacsiga Suuqa oo Saddexdii maalin ee la soo dhaafay xirnaa, kadib gadoodkii ay sameeyeen Ganacsatada Gobolka Banaadir.

Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa diidanaa bixinta Canshuurta iibka oo Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay soo rogtay, waxaana ay ku dhawaaqeen shaqo joojin Saddex maalin ah.

Gudoomiyaha Guddiga ganacsatada Suuqa Bakaaraha Xasan Dhiif ayaa sheegay inay u naxeen dadka muruq maalka ah ee Suuqa Bakaaraha ka xamaasha, maadaama Saddexdii cisho ee la soo dhaafay wax shaqo aysan qaban.

“Suuqa saaka dib ayaa loo furay, balse wali way taagan tahay dhibaatada canshuurta oo Dowladda ay soo rogtay, ganacsatada ma diidana bixinta canshuurta, mar walba diyaar ayay u yihiin in ay ka qeyb qaataan horumarka dalka ayuu yiri.” Ayuu yiri Guddoomiye Xasan.

Dadkii u shaqo tagi jiray Suuqa wayn ee Bakaaraha ayaa saaka ku jarmaaday goobahooda ganacsi si ay u shaqeystaan, maadaama Saddexdii maalin ee la soo dhaafay Suuqa uu xirnaa oo wax shaqo ah aysan ka jirin.