Halke La Geeyay Lacagti Diyaarada Siday ee Garoonka Adan Cadde Lagu Qabtay

Reading Time: < 1 minute

Waxa warar kala duwan ay ka so baxayaan Diyaarad siday lacag oo Maanta lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Adden Cade ee Muqdisho.

Qaar ka mid Shaqaalaha Garoonka Aden Cade ee magaalada Muqdisho aya shegaya in saraakiil ka tirsan nabad-sugidda Soomaaliya ay la wareegeyn lacag gaareysa $9 Milyan ah oo dolar.

Lacagtan oo laga lahaa dalka Imaaraadka ayaa waxaa ay shegayan Xubnaha Sida in ay tahay mushaar ay leeyihiin ciidamada ay ku tababarto maamul goboleedka Puntland iyo kuwa Banaadir kusugan.

Sida aan warar ku helnay ciidamo Soomaali ah ayaa difaacay aragtida Imaaraadka, laakin NISA ayaa ka diiday, waxaana lacagta loo qaaday Bangiga dhexe si loo sameeyo baaritaan dheeraad ah.