Halke Ku Danbeeyeen Maxabiistii Al Shabaab Ka Tirsaneyd ee Shalay Ka Baxsaday Maamulka Puntland

Reading Time: < 1 minute

Shalay ayay aheyd markii ay so baxeyn wararka shegaya in dhalinyaro ka tirsan al shabaab oo maxaabiis ahan ugu xirna magaalada gorowe ay ka baxsadeyn guri la xanaaneynayay oo halkasi ku yaalo.

Laamaha amaanka ee maamulkaasi ayaa sheegaya in saddex qof la soo qabtay iyada oo mid ka mid ah uu dib u soo laabtay halka labada kalena howlgal lagu qabtay.
Ciidamada ayaa sidoo kale ku raadjooga qeyb kale oo ilaa 7; Qof gaaraya kuwaas oo ka baxsaday Guri ku yaalla Garoowe oo lagu hayay.
Maxaabiistan ayey Puntland sheegtay in ay yihiin Carruur aan qaan gaarin sidaas darteedna gooni loo hayay iyaga oo dhaqan celin lagu xukumay.
Saraakiisha Ciidanka Puntland ayaa sheegay in Xabsiga la dhigay Ciidamadii u xilsaarnaa sugidda amniga Maxaabiista ka tirsaneyd Al-shabaab.
Maxaabiistaas ayaa lagu qab qabtay dagaalkii 2016kii dhexmaray Al-shabaab iyo Puntland kaas oo intiisa badan ka dhacay Gobollada Mudug iyo Nugaal.