Halka ay mareyso khiyaanada, marin habaabinta shacabka Soomaaliyeed & meesha aay ka soo bilaabatay

Waxaa xalay fariin soo gaadhay dhamaan xubnaha Baarlamanka (Golaha shacabka) Soomaaliya, taas oo ahyed in laga soo qayeb galo hadal jeedinta Madaxwayne Ismaciil Cumar Ghelle oo booqasho rasmi ay ku jooga Dalka. Waxaan ugu horeyen leeyahay Mudane Soo dhawoow, waana booqasho Taariikhi ah.

Waxaanse is waydiiyey goormee ayuu Madaxwaynaha JFS Mudane Mohammad Cabdulaahi Farmaajo la hadli doonaa shacabka oo uga war bixin doonaa su’aalaha ay qabaan ?

Goormee ayuu labada aqal ee Barlamanka (Senatka iyo Golaha Shacabka) uga jawaabi doonaa su’aalaha ay qabaan ee la xiriira safarada faraha badan iyo heshiisyada qarsoodiga ah ee uu soo galo?

waxa uu ku xaliyey Khilaafkii xuduudeed (Bada) iyo kii siyaasadeed Maxkamadii mise Xaal mastuur kale ayaa jira?

Amniga caasimada Dalaka Muqdisho ee faraha ka sii baxaya waxa uga qorshaysan?

Qaraxyadan soo batay xiligii uu Murashaxa ahaa balanqaadkii uu samaysay maxaa kaaga hirgalay, sida; hantidii burburta waan mag dhabaynaa, qofkii qarax soo sheega $100 kun ayaan siinaynaa ama waan dhoofinaynaa IWM?

Nidaamka Doorasho ee dalku aadayo mar hadii Gudigii doorashooyinka shegeen in Qof iyo Cod aysan Suurto gal ahayen 2020 maxaa uga diyaarsan mise kugu soo booday ayaa shacabka iyo xisbiyada dalka looga dhigayaa?

Maxaa keenay mushaar la’aanta Ciidamada xoogu ka cabanayaan?

Shacabka Soomaaliyeed in tacsi kaliya loo soo diro ka badan ayey xaq u leeyihiin ee Mudane la hadal oo qorshahaaga la wadaa su’aalaha ay qabaana uga jawaab fadlan.

W/Q Hon. Mohamed J Mursal (Ghelle)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here