Kumaan Somalilanders oo dhimatay, sodon sano oo haglan xurnimo doon ah, iyo balanqaadkii loo balan qaaday shacabka reer Somaliland dal u gooni ah, waxa ay ku soo dhaamaatay in madaxda Somaliland aqbaalan qorshaha Abiy Axmad uu ku doonayo in Farmaajo dib loogu soo doorto. Qorshahaas ayaana ah mid aan loogu danaynaynin umadda Soomaaliyeed, laakiin laga leeyahay ujeedo dhibaato hor leh galin doonta umadda Soomaaliyeed.
Hadaba maxaa ka imaankara heshiis lala galo hogaanka Farmaajo oo uu waqtigiisu ay ka hartay mudo ka yar todobo bilood? Ma waxa ay la tahay Muse Bixi in uu Farmaajo la gali karo heshiis waaro? Ma waxa u muuqata in Farmaajo u fududeeyn karo in Somaliland ka go’do dalka Soomaaliya?.
Waxaan shaki ku jirin in talaabada Muse Biixi qaadayo ay keeni doonto in Somaliland lagu kala tago ama ka abuurto xaalad horleh oo keenta in Somaliland gasho xaalad bur bur u horseeda? Taas oo ah ujeedada uu danbeeysa oo ay si wadajira u wadagaan Ismaaciil Cumar Geele, Abiy Axmad iyo Farmaajo?.