“Hal jaban geeleeda ayay boqol ku tahay” Farriin loo diray Cabdikarin Xusen Guled (Qormo)

Reading Time: 2 minutes

Siyaasi Cabdikarin Xuseen Guled oo hore u soo noqday Wasiirkii Amniga iskana casilay markale haddana loo doortay MW Galmudug misana iska casilay ayaa toddabaadkan sheegay in uu dib ugu soo noqday siyaasadda isagoo sheegay in uu tartanka 2021 geli doono xisbi siyaasadeedna sameysan doona, “Tolow haddiiba ay dhacdo in uu ku guuleysto ma iska casilo doona haddii uu ku fashilmo?”

 

[su_quote]”Waxaan go,aansaday inaan siyaasadda dib ugu soo laabto, kana qeyb qaato wax u qabadka dadkeyga & dalkeyga. Waxaan qabanqaabadiisa billoownay unkidda & yagleelidda xisbi weyn soo siyaasadeed. Ereyadan kooban ee Guuleed uu ku sheegay in siyaasadda uu dib ugu soo laabtay, sidoo kalena muujinaya in saaxiibadiisi hore ee siyaasadda uu dhabarka u duway, waxaan kala soo dhex baxay “war-murtieed” uu soo saaray madaxweynihii hore ee Galmudug.”[/su_quote]

Kolka hore Guuleed waxaan leeyahay caafimaadkaaga soo hagaagay cimri dheer allaha kuugu daro, kolka xiga nin rug-caddaa siyaasadeed ah ayaa hadda ka hor igu yidhi, siyaasadda waa laga nastaa ee lagama baxo, sidaa awgeed waan soo dhawaynayaa inaad siyaasadda dib ugu soo laabto.

Arartaa kooban kadib haddii aan tilmaan kooban ka bixiyo, ujeedadaydu halka ay daarantahay, Turub & dubnad midna taariikh nololeedkaygii ma aanan cayaarin, balse dhawr goor ayaan dul istaagay meelo lagu cayaarayo. Waxaan ogaaday qofka gacanta ku haya ee cayaaraya waxaa ka aragti dheer midka korjoogtada ah ee dul-taagan, siyaasadduna waliba tan Soomaaladu waa sidaas oo kale. Siyaasiyiinta Soomaalida qaarkood waxay isku fiirinayaan bila-daye (muraayad) weyneyso ah, oo tusta inuu murqa kuusanyahay dadka oo dhanna ay isaga daba socdaan, balse xaqiiqdu sidaa ma aha. Waxaa sidoo kale karkaarka sii weydaariya dad kooban oo xigaalo & xoolo doon iskugu jira. Haddaba dareenka aan qabo waxa uu yahay, Guuleed maanta mala gudboontahay in gooni uu isu taago? Anigu waxaan odhan lahaa “MAYA”

Sababta aan “maya’ u idhi waxaan ku salaynayaa, kolka aad waraysato korjoogtada siyaasadda Soomaaliya xog-ogaalka u ah, waxay isku raacsanyihiin in Guuleed khalad & saxba uu ku gawracanyahay saaxiibadiisi hore, oo inaba ha yaraatee uusan sumcad gaar ah ku helaynin in kaligii uu gooni isu taago. Kaaga darane rug-caddaayo siyaasadeed oo kala duwan ayaa qaba, in Guuleed uu qabo dakano siyaasadeed oo aysan qabin saaxibadiisi hore ee siyaasadda. Sidaa awgeed ayuusan xiliggan la joogo u muuqanin sawir muujinaya in Guuleed saaxiibadii la,aantood uu saami siyaasadeed heli karo, waase suurta-gal oo waxu waa siyaasad.

Hadal & dhamaan Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “hal jaban geeleeda ayay boqol ku tahay” oo loola jeedo hal qawaar ah oo jaban kaligeed suuq haddii la geeyo kummi & taano ma goyso, balse geeleeda oo sagaashan & sagaal ah haddii ay iskaga dhex jirto waa tiro buuxis oo boqol ayay ku tahay, sidaa awgeed aniga oo kaashanaya korjoogtada siyaaasadda Soomaaliya, saadaaliyayna dhanka ay siyaasadda dalku u socoto Guuleed waxaan odhan lahaa, kol haddii aad siyaasadda kasii fadhin weyday, marxaladan maanta lagu jiro waxaa kuu wanaagsan in saaxibadaa aad boqol kusii ahaato. Waa laga yaabaa bila-daye (muraayad) weynayso ah oo wax kale ku tustay inaad isku fiirisay, balse sawirka ay leedahay siyaasadda Soomaaliya waa sida aan kuu sheegay. Waa suurga-gal halbeeg aad u hooseeya inaan cabiray, waan kaa raali galinayaa haddii hammi intaa ka badan aad meel kusoo hubsatay, oo aan hankaaga hoos u dhigay.

W/Q. Aqoon Yahan: Axmed Maxamed Xasan