Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkey Hakan Çavuşoğlu ayaa shir jaraaid uu qabtay waxa uu ku sheegay in booqasho ku tagi doono wadamada sudan iyo Somalia si uu kulamo ula qaato madaxda dhigiisa ah.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in markii uu tago sudan uu booqan doono jasiirada, Suakin halkaas oo ay dowladda turkey ay ka fulinayso mashruucyo horumarineed, waxa ay ayna qorsheenayaan dowladdaha sudan iyo turkiya in halkaasi ay noqoto meel loo soo dalxiis tago.
Shirkad ay leedahay dowladda turkiya ee lagu magacaabo TIKA ayaa waxa ay jasiirada Suakin ay kawadaa mashruucyo ay uga dhisayso masaajidyo iyo goobo loosoo dalxiis tago oo ku yaalo jasiiradaas.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka dowladda Turkey ayaa carabka ku dhuftay in booqashadaas ka gadaal uu u soo baqooli doono Somalia asagoona intaasi sii raaciyay in uu kulamo laqaadan doono madaxwaynaha Somalia Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmajo” iyo Ra’iisul wasaare Hassan Ali Khayre.
Xiriirka ka dhaxeeyo dowladaha turkiga iyo Somalia ayaa noqday mid aad u wanaagsan laga soo bilaabo sanadkii 2011 markaas oo ay dowladda turkiya gurmad u soo fidisay Somaliya oo xiligaasi ay ka jirtay macluul aad u daran.