Hakad ku yimid dhismaha wadada Jowhar iyo Xamar, iyo musuqmaasuq lagu helay masuuliyiin ka tirsan dowladda (Akhriso)

Reading Time: 2 minutes

Mashruucii dhismaha jidka Jowhar iyo Xamar aya waxaa ku yimid hakad kaddib markii ay dowladda Soomaaliya ka qortay warqad shirkaddii ku guuleysatay qandaraaska oo ahayd shirkad laga leeyahay dalka Turkiga. 

Wasiirka Qorsheynta Jamal Maxamed Xasan iyo T/X NISA Fahad Yaasiin aya hore uga qaatay lacag dhan $5 milyan oo doollar shirkad laga leeyahay dalka Qatar taasoo ay u ballan qaadeen in ay siin doonaan qandaraaska dhismaha wadada Jowhar iyo Muqdisho, lacagtaas oo si caddaan ah ay ku bixisay shirkadda oo rajo ka qabta in ay hesho qandaraaska ayaa waxa booskeedii ku guuleystay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga. 

Arrintan aya dhalisay in shirkaddii Qatar laga lahaa ay dib u weydiisato in loo celiyo lacagta ay ka hor marsadeen Wasiir Jamal iyo Fahad Yaasiin ayaa waxaa Fahad Yasin uu ku qanciyay shirkadda Qatar in ay dowladda Soomaaliya ay awood u leedahay ayna diideyso in qandaraaska la siiyo shirkadda Turkiga ah. Fahad Yasin aya ku amray wasiir Jamal in uu qoro warqad ay dowladda Soomaaliya ku diideyso qandaraaska ay heshay shirkadda Turkiga isla markaana ay dowladda Soomaaliya si toos ah ay u siineyso qandaraaskaas shirkadda laga leeyahay dalka Qatar.

Shirkaddii Turkiga aya heshay waraaqdii waxayna dacwad ka dhan ah arrinkan ay u gudbiyeen safiirka dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, safiirka aya isla markiiba waxa uu telefon kala hadlay T/X NISA Fahad Yaasin waxayna labada masuul kulmeen maalintii Talaada ee bisha ay ahayd 25 Sebtember 2018.

Fadhiga labada masuul aya waxa lagu lafa guray sida ay wax u socdaan iyo in dowladda Turkiga ay uga fadhiso dowladda Soomaaliya sababta keentay in laga wareejiyo qandaraaska shirkadda laga leeyahay dalka Turkiga, safiirka aya u sheegay Fahad in uu halkan u joogo danaha muwaadiniinta Turkiga iyo danaha dowladda Turkiga, isla markaana aanu aqbali karin waxa dhacay uuna ka rajeynayo in si shuruud la’aan ah loo saxo qaladka jira.

Isla habeenamadii Talaadada aya waxa kulmay Madaxweyne Farmaajo, Fahad iyo Jamaal, waxaana Farmaajo uu talo ku bixiyay in loo daayo shirkadda Turkiga ah qandaraaska isagoo shuruud uga dhigay in ay u celiso lacagta $5 milyan doollar shirkadda laga leeyahay dalka Qatar.

Wasiir Jamaal aya subaxnamadii Khamiista oo bisha ahayd Sebtembar 27 waxaa uu la fariistay wakiilkii shirkadda Turkiga ahayd isagoo u sheegay in loo daynaayo qandaraaska balse ay hal shuruud oo ah in ay bixiyaan oo ay u celiyaan lacag $5 Milyan ah shirkadda Qatar.

Wakiilka shirkadda ayaa ku gacan seyray dalabkii wasiir Jamaal. Waxaa kale oo jirta sida ay u xaqiijiyeen MOL ilo wareedyo kale in shirkado Soomaali ah uu sidoo kale ka qaatay Wasiir Jamaal lacago, waxaase uu lacagta ugu badan ka qaatay shirkad uu leeyahay ganacsade lagu magacaabo Cabdulqaadir Abukar Caddaani.

MOL ayaa weli ku daba jirta kiiskan waxaanan akhristayaasha idiin soo gudbin doonaa faahfaahin buuxda iyo weliba dokumeentiyo la xiriira musuqmaasuqa kiiskan.