Hagaha iyo Toosiyaha M. Farmajo Waa Isaias Afawerki oo Doorasho diid ah, Farmajana uu ku Daydo.

Reading Time: 3 minutes

Maanta waxaan tiradii hore ee kalitaliyayaasha ahaa ku soo dareynaa mid aad ila qiri doontid inuu yahay macangag kaligii taliye dhigyacab ah waa Kuma?  Waxaan ka hadleynaa ninka tusmada, tusaalaha iyo tiigsiga u ah Maxamed Cabdullahi Farmajo, kaas oo ah shakhsi aan ogoleynba doorasho ilaa xukunka xoog looga tuuro mooyee waa Isaias Afawerki.

  1. Madaxweyne Isaias Awerki waxaa uu taladaa dalkaas ee dhaca Badda Cas taladiisa qabsaday 1991-2021 waa muddo 30 sano oo cadaadis iyo dil ah oo ay Erateriya soo martay welina ku sii sugan tahay. Afawerki ma ogola wax doorasho la yiraahdo waxaanu dalkaas u curyaamiyey si naxdin leh. Muddadii uu talada hayey waxaa uu dadka reer Erateriya ka dhigay wax uu dilo, wax uu dandarreeyo iyo wax dalka ka cararay. Dadka Erateriya waxaa uu ka rabaa inay dhamaantood sida ciidamada uga amarqaataan isaga haddii kale waxay ku waaynayaan naftooda, xoolo iyo ilmo iyaga tira kuma jiraan. Afawerki waxaa uu ahaa saaxibka ugu dhow ee Abiy Axmed waxayna taladiisa iyo yeelistii taladaas ee Abiy soo dhigtay halka ay Itoobiya maanta taallo oo ah inay u kala jabjabto qowmiyadaha ay ka sameysan tahay. Sidoo kale waa saaxibka ugu iyo hagaha ugu weyn ee Farmajo waxaana dadka Farmajo u dhow noo sheegeen inay todobaadkiiba dhowr jeer is wacaan. Farmajo waxaa uu kula taliyey Afawerki inuusan qaban doorasho uusan boobii Karin marka ugu horreysa, kadibna uusan raaci Karin farsamooynka Museveni, Geelle iyo Kagame oo sannad walba lagu soo doorto 98%.
  2. MadaxweyneyYoweri Kaguta Museveni Ugandha. 1996-2001, tii 2001-2006, tii 2006-2011, tii 2011-2016, tii 2016-2021, tii 2021-2026 oo weli soo taagan.
  3. Madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle, Jibuti. MW Ismaciil doorashadii ugu horreysay dalka ku qabsaday waxay dhacday 1999, ilaa maanta waa ka degi la’ayahay. Sidaan ayey isu daba taxneyd guushiisa wuxuuna ku guuleystay doorashadii 1999-2005, tii 2005-2011, tii 2011-2016, tii 2016-2021 iyo tii u dambeysay oo ah 2021-2026.
  4. Madaxweyney Paul Kagame . Waxaa liiskaas noogu biiray Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame.Wuxuu talada dalkaas qabsaday 2000 -2021 ilaa maantana waa soo taagan yahay oo waxaa uu leeyahay Rwanda nin dhaama ma haystaan, sidaas darted ayey aniga ii rabaan inaan weligey iska joogo.Doorashada uu Hadda Farmajo ku taamayo waxaa uu Paul Kagame qabtay doorashadii ugu horreysay kadib markii 3 sano gacan bir ah ku qabtay dalka iyo dadka reer Rwanda 2003- 2010, too 2010-2017, tii 2017-2024 oo weli kurisga ku haysan. Weliaba waxyaabaha yaabka leh waxaa ka mid ah ee MW Kagame weligiis laguma dooran 98% wax ka yar, xataa Nabiyada Ilaahay sidaas maa ahayn oo waxay lahaayeen mucaarid, Marka Rwanda ma joogaan dad mucaarid miyaa, waa joogaan laakiin waxay ku jiraan xelligii Maxamed Siyaad uu na haystay oo 99.9% la gu dooran jiray, taas oo ah tan maanta hilowga ku haysa Farmajo inuu soo celiyo.

Haddaba Doorashada qof iyo cod waa waxa hadda loo dibindaabyeynayo doorashadii lagu heshiiyey septerber 2020. Arrinkaas waa waxa hadda ay ka shaqeynayaan Farmajo iyo Fahad oo uu hadda ku biiray RW Rooble oo runtii khiyaanay qalbiga dadka Somaliyeed kadib markii uu iska dhigay qof ka shaqeynaya wanaagga ummadda.

Sideedana ma jirto doorasho dadka ka wada farxisaa oo waaba kala doorasho oo mid inta la aqbalo oo la qaato ayaa mid kale laga tagaayaa, laakiin madaxda marka ay mar waliba soo farsameystaan guusha doorashada waa waxa abuura kalitaliye.

Haddaba mar rabnaa inuu Farmajo noo joogo ilaa 2044 oo ah 22 sano uu Ismaciil Cumar doorasho beenaad ku haystay  jibuuti ama sida Musaveni oo 35 sano  ku haystay doorasho beenaad qof iyo Cod ah, ama Afawerki oo Kaligii Taliye ah iyadoo Afrikankii xataa ay hadda dadaal uga jiraan inay iska tuuran Heeryada kalitalisnimo sida gumeysiga loo tuuray? Sudan, Itoobiya, Jibuti oo waxaana jira guux xoog badan oo Ła hubo inuu qarxi doono.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!