Hadmaa la Dareemi Xanuunka Dadka Xamar Haysta?

Reading Time: 2 minutes

Kala warwareejinta dhulalka iyo  Gurayaha, lacag urursiga ku saleysan isticmaalkii awooddii dadka loogu adeegi lahaa iyo musuq maasuqa aan xadka lahayn waxay indha tireen maamulka Gobolka Banadir iyadoo RW Xamza iyo MW Xasan oo iyaga aan marnaba hoos fiirineyn  ay ku mashquuleen hawlaha kale ee qaranka oo ay hortabin u qaateen, iyadoo hoostooda maalin walba lagu dhaco masaakiin noloshu ku adag tahay.

Muxibo Xuseen iyo Calsey Geedanaar waxay muteen dhac iyo boob maalin cad loogu kala geystay jidadka Muqdisho iyagoo quud iyo qaraab u raadinaya caruur agoon ah oo aabayaashooda ku kala dhinteen qaraxyo ay sameeyeen arxan laawayaasha Shabaab, mana jirta cid u jiirnaxdaa.

Waa dhab in dagaal ay dowladdaan ku qaadday shabaab laakiin waxaysan ka fekrin inay soo guryo noqdeen oo ay jidadka u taagan yihiin dhib intii hore ka weyn.

Laakiin waxaa yaab leh inay shacbiga kuu sheegayaan in shabaabku hadda ay Xamar tallaabo ka qaadeen meelo badan oo lagu iibin jiray mukhaadaraadka isagoo guddoomihii inuu hawshaas qabto Aw Madaale uu ku baaqayo in la soo tira koobo dadkuna ay isweydiinayaan tolow ma canshuur ayuu rabaa inuu ka qaato marka uu leeyahay hala soo tira koobo. Maxaa loo baabi’in la’yahay mar haddii la soo tirin karo oo la ogyahay goobaha ay u yaallaan. Runtii waa faham darro  masuuliyadeed Meesha ugu hooseysa.

Dayacaadda Xamar loo geystay waxay ka imanaysaa dhowr meelood sida:

  1. Boliiska iyo Nabadsugidda oo dad badani qabaan inay mushkiladda qeyb ka yihiin ama aysan ka daacad ahayn inay wax ka qabtaan.
  2. Garsoorka oo iibjooga oo ku xeran sida jeebkaagu u buuran yahay.
  3. Maamulka Gobolka Banaadir oo ay hoos yimaadaan guddoomiyayaasha degmooyinka oo aan lahayn qorsho hawleed, istartejiyad iyo aragti wax looga qaban karo ammaanka magaalo sidaan oo kale ah.
  4. Madaxda sare oo indhaha ka dadbanaya dhibaatada haysata magaalada kaliya ee dakhligeeda uu yahay kan ay dowladdu ku shaqeyso marka kaalmada caalamiga laga reebo.

Mudane Madaale maaha qof xuma laakiin waa sidii wadaad dugsi quraan dhiga balse hal mar loo dallacsiiyey inuu qaalli noqdo oo  maxkamadaha xukun saxan ka rido. Dadka qaar ayaaba qaba in Madaale laftiisa la dembiyeeyey markii loo dhiibay magaalo sidaan u cakiran oo hawl uusan aqoon iyo aragti u lahayn u baahan.

Isku soo duub, inta afartaan habac xal looga helayo sida Nabadsugid ka hortagta dembiyada oo soo sheegta, Boliiska oo ka daba taga oo cid kasta oo fal dembiyeed gashaa gacanta ku soo dhiga yaraan iyo weynaan aan u eegin fal dambiyeedka, Maxkamado si caddaalad ah u xukuma dembiyada ee aan jeeb iyo mansab u eegin, Maamul fahmi kara in Caasimadda u baahan aqoon maamul iyo mid hogaamineed iyo madax sare oo NISA, Boliiska, Maamulka Goboka iyo Maxakmadaha  ku dabagashaa in cid waliba ay xilkeeda gudataa laga helayo Cawrala iyo Calasey waa dhac iyo dhibaato u joog.