Ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa soo food saaray culays ah in uu cadeeyo mowqifkiisa ku aadan heshiiskii uu saxiixay Wasiirka Batroolka Cabdirashiid Shiikhaaloow.
Rooble iyo Cabdirashiid ayaa in mudo ah shirko ku ahaa shirkad guryaha dhisto iyo ganacsiyo kale. Labada nin ayaa sidoo kale waxa ay kuwada noolaayeen isku guri mudo aad u fog. Waxaa ay sidoo kale yihiin dad ehel ah oo xiriir qoyska ka dhaxeeyo. Waxaana la rumeysan yahay in Cabdirshiid Shiikhaaloow uu door weyn ku lahaa in Farmaajo lagu qanciyo in Rooble laga dhigo Ra’iisal Wasaare.
Waxaa jiro warar sheegaya in lagu qasbayo Rooble in uu xilka ka qaado wasiirka batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed. Cabdirashiid ayaa Soomaaliya ka abuuray mowjad siyaasadeed kadib markii uu Sabtidii shaaca ka qaaday inuu saxiixay heshiis shidaal sahmin ah oo dowladda federaalka ay la gashay shirkad laga leeyahay Mareykanka, taasi oo ay si isku mid ah u diideen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.
Si kastaba, Cabdirashiid oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu la ogaa heshiiskaan oo lagu qaatay 7 Milyan oo dollar, islamarkaana uusan garaneyn sababta uu hadda uga hor yimid, isagoo ku macneeyey in culeyska dhanka baraha bulshada ka soo wajahay uu isaga difaacayo.
War-saxaafadeed uu soo saaray Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa lagu shaaciyey in heshiiskii ay wasaaradda batroolka iyo macdanta Soomaaliya la gashay shirkadda shidaalka baarta ee Coastline Exploration Ltd, oo laga leeyahay dalka Mareykanka, uu yahay mid muujinaya in lagu xad-gudbay shuruucda dalka.