Waxaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay soo if baxaysay aragtiyo cusub oo aan horay loogu arkin Somaliya intii ay ka soo kabsatay dagaalka sookeeyo taas oo ah in awoodii iyo karamaadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda lunto. Maanta oo ay bisha Samteenbar tahay 24 waxa uu MW Farmaajo ku baaqay kulan ay ahayd iun ay ka soo qayb galaan Dowlad Goboleedka Galmudug. Iskaa daa in ay yimaadaan waxa ay ugu baaqeen in uu faraha kala baxo danaha Dowlad Goboleedka Galmudug. Sidoo kale horaantii bishaan waxa uu martiqaaday madaxda Dowlad Goboleedyadda in ay shir isugu yimaadan Muqadishu, cid ka jawaabtay armarkiisa ma jirto. Bishii Ramaadaan waxa uu soo saaray amaro wadooyinka lagu furaayo si shacabku u maro amarkaas cid taabagalisay ma jrin . Waxaa uu amar ku soo rogay in aan la badali karin xog’hayayaasha joogtada ah ee wasaaradaha , wasiiradii dhagaha ayaa ay ka fureysteen iyaga ayaana qofkii ay rabaan shaqo ka fariisin ku sameeyaan kii ay doonaan shaqo siiyaan. Sidoo kale waxa uu soo saaray qoraal uu shaqada uga qaadayo Duqa mgaalada Muqadishu iyada habeen saq dhexe ayaa ka noqo lagu yiri.
Maxamed Farmaajo waxa uu dhaawac aan ka soo kabsasho laheynin gaarsiiyay dowladnimada Somaliya. Waxaana muuqato in uusan lahayn garaad uu dib ugu hanto mas’uuliyadii shacabka Soomaaliyeed ku amineen ilaahna marqaatiga looga dhigay. Dhanka kale waxaa nasiib xumo ah in beesha uu ka dhashay ay garan la’dahay dhibka tariikhiga aha ee uu gaarsiiyay sharaftii dadka uu ka dhashay oo mar labaad Somali siisay fursday ay isaga meyraan tariikhdii mugdiga ahayd ee uu Allaha u naxariistee Maxamed Siyad Barre uga tagay. Waxaa muuqata in uusan ku sii waari doonin kuriga madaxweyninimo hadii uusan isbadal dhaqso