Hadalkii Xaliima Yarey oo shaki Badan Abuuray. Akhriso

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa waxa ay sheegtay in Xisbiyada sida KMG  ah u diiwaangashan aysan u diyaarsaneen ka qeybgalka doorashada dalka ee sanadka 2021. Laakiin gudoomiyaha ma sheegin in qaab kale doorashada loo galayo oo aan xisbiyo lagu galayn.

Hadalkaan waxaa uu u muuqdaa mid waddada u xaaraya inaysan dalka doorasho ka dhicin haddii la fogeeyo, laakiin waxaa si cad uga muuqata in guddoomiyha ay leedahay doorasho ay xisbiyo ka qeybgalaan dalka kama dhici karto maadaama ay xisbiyadii ku eedeysay inaysan u diyaarsaneyn doorasho.

Hadalka Xalima yarey waxaa ka muuqata inuu yahay hadal shaki badan abuuraya ee ma iyada iyo guddigeeda ayaa goostay oo go’aankaan gaaray in xisbiyadu aysan doorasho u diyaarsaneyn misa Kooxdan dalka halaagga badday ayaa ku tallaashay Xalimo oo marsiisatay inay wadada u sii xaarto inaan la isku diyaarin Karin labada sano ee dhiman oo kororsiimo loo baahan yahay.

Koox madaxtooyada ku dhow ayaa waxaa laga hayaa inay leyihiin hawllo badan ayaa yaalla oo laba sano  aan lagu dhameystiri karin, dalkana ma gaarsiin karno barwaaqada aan u soo wado ee waa in naloo dheereeyaa laba sano oo kale.

MOL waxay xuseysaa in dalkaan uu soo galay doorashooyin kala duwan isagoo intaan ka liita si dimoqraadi ahna kursiga la isugu wareejiyey. Sidaas darted Gudoomiye Xalima yarey waxaa laga rabaa inay shacbiga  iyo siyaasiyiintaba mugdiga ka saarto oo ay u caddeyso waxa ay ugu jeedo xisbiyada doorasho uma diyaarsana iyo haddii aysan u diyaarsaneyn waxa ay badal u hayso ee waxa lagu dooranayo. Waa run haddii rabtay qof iyo cod cid u diyaarsan ma jirto, laakiin waa inay doorasho dhacdaa. Taas oo waliba la rabo inay ka wanaagsanaato tii 2017 dhacday.

 

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!