Hadalkii Abiy Ahmed oo ahaa in Soomaaliya iyo Ethiopia noqonayaan Ififaaladiisa mala Arkay (Aqriso)

Reading Time: 2 minutes

Wasaaradda arrimaha Dibadda dalka Itoobiya ayaa Barta ay Internet-ka ku leedahay ee Wabsite-keeda waxaa ay ku faafisay Map-ka Qaarada afrika oo laga tiray Soomaaliya,isla markaana lagu daray dalkaasi taas oo dad badan dood ka dhex abuurtay.

Khariidada Afrika oo la soo saaray Bogga Wasaaradda Arrimaha Dibada Itoobiya ayaa muujinaya in dal gooni ah uu yahay Maamulka Soomaaliland halka Soomaaliya lagu dhigay dalka ka mid ah dowladda  Itoobiya.

Qaar ka mid ah bulshadda Soomaaliyeed ayaa si weyn uga falceliyay Qoraalka Wasaaradda, waxaana taasi ay sababtay in ugu dambeyntii Wasaaradda ay bogeeda ka saarto Qariiradda Afrika.

Bulshadda Soomaaliyeed ayaa si weyn u xasuusan in Ra’isulwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed  uu horay u sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay noqon doonaan hal dal ka dib markii ay heshiis Magaalada Muqdisho ay kula saxiixdeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Waxaa uu xilligaasi sheegay in  mustaqbalka la mideynayo labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya, islamarkaana ay noqon doonaan hal dal.

 “Waddamada geeska Africa ka jira haddii ay u suuragasha iney noqdaan hal dal oo mideysan sida Dubai, ama sida Mareykan amaba Yurub oo kale ay noqdaan, intaan ka baxno waxyaabaha yaryar oo aan kireyno inta aan ku noolaan leheyn waxaan heli karnaa faa’idooyin ballaadhan ayaan heli karnaa, caalamkana waxaan ku yeelan karnaa awood aan ku gorgortanno taa ayaan ku wada hadalnay”ayuu yiri Abiy Axmed.

Waxaa uu hadalkaasi intaasi sii raaciyay “Mustaqalka waxaa noqon doonaa hal dal oo Kheyraadkiisa ka faaideysta”

Waxaa uu sidoo kale sheegay xilligaasi  in ay muhiim tahay Midnimadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo noqda hal dal, isagoona dhowr jeer kusoo celceliyay, waxaana wixii xilligaasi ka dambeeyay socday kulamo kala duwan oo yeesheen Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea oo looga hadlayay Iskaashiga.

Abiy Axmed ayaa hadalkaasi sheegay ka dib markii uu booqasho ku yimid Soomaaliya Bishii Juun ee Sanadkii 2018-ka, waxaana xilligaasi hadalka Abiy Axmed dib u fasiray Wasiirkii Warfaafinta oo beeniyay in laga wada hadlay Mideynta Soomaaliya iyo Itoobiya.