Hadal Qiira Badan ee uu Axmed Madoobe u Jeediyey Ciidanka XD Somaliyeed

Reading Time: < 1 minute

MW Axmed Madoobe oo muujiyey Hogaamin iyo Dhiiragelin CXD ee ka dagaal gala gobollada Jubbooyinka oo ay gacanta ku hayso dowladda goboleedka Jubaland. Axmed Madoobe waxaa uu booqasho ku tagay jiidaha hore ee dagaalka ay Jubaland kula jirto shabaab halka MW Farmajo uu dalka ugu maqnaa dhib iyo dhibaateyn uu u tagay inuu la soo tashado Kaligii taliyaha Erateriya Xasuuqay Asias Afawerki.

Waa wax laga xumaado in Mas’uulkii dalka ugu sarreeyey uu hagardaamooyin dadkiisa ugu maqan yahay, colna uu la yahay ragga ay talada kala dhaxeyso ee muujinaya hogaaminta wanaagsan.

Hadalka Axmed Madoobe oo aad u qiira badan, kuna haboon in laga dharaadhiriyo habraac shabaabka Xamar wax looga qabanayo ayaa waxaan go’aansannay inaad nala dhageystaan waxna ku qaadatan adinkoo xusuusanay kalmadii MW Aden Cabdulle Cisman (Aden Cade) ee ahayd “Somalida Raggeeda Ha kala barato”.

Bal akhriste dib u fiiriya halka ay wax joogeen markii uu Farmajo talada ay ku wareejinayeen labadii MW ee talada ku kala wareegay, kuwaas oo ay marmar nala wacnaato haddii aysan wareejin lahayn talada dalka inaysan tan hadda na haysataa nagu dhacdeen.

Bal halkaan ka daawo muuqaalka dareenka leh ee uu Axmed Madoobe u jeediyey ciidankii uu u tagay iyo sida uu dhiirrigeliyey shacbiga Somaliyeed .

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!