Guud ahaan musharixiinta hadlay dhamaantood waxay ka hadleen wax qabadkooda iyo waxa ay damacsan yihiin inay qaban doonaan si ay xildhibaanada ugu shegaan barnaamijkoda, codadna uga helaan.
Madaxweynihii hore ee JFS, haddana ah murashax Xilka madaxweynenimo mar kale soo doontay ayaa khudbaddiisii waxay ka duwaneyd in badan musharixiinta kale. Khudbadda waxay soo jiidatay dareenka dad badan oo dhageysanayey ama daawanayey. Waxaa la filayey inuu ku faano dhammaan gulihii uu gaaray intii uu talada dalka hayey iyo waxyaabihii u qabsoomay, hasa yeeshee, Waxaa Xasan Sheekh khubaddiisa diiradda ku saaray hal ku-dhegiisa oo ahaa “ Somali Heshiis ah Dunidana Heshiis la ah” taas oo ah inaan waxba la qaban Karin haddaan:
- Somalida ka heshiin Siyaasadda oo aysan dadka Somaliyeed is ogolaan, taas oo jiritaankooda iyo dowlad dhiskooda ku xeran tahay, waayo dowladda oo laga cabsanayo in laguugu dilo haddaadan adiga haysan.
- Xumaha iyo xusuusta laga xuroobin waxaana muhiim ah inaan wax badan dib loogu noqon gefefkii siyaasadeed ee ku dhacay intii la soo kacaa kufaayey.
- Inaan Gefekaas la illobin si aysan u soo noqon balse la iska cafiyo, horayna looga socdo.
- fekerka iyo aragtida qofka Somaliga xor loo noqdo si loo helo aragtiyo kala duwan oo caafimaad qaba, xoriyadda hadalka, qoraalka, bannaanbaxyada iyo kulmidda dadka aan fasax dowladeed loogu xerin.
Qodobadaan waxaa ka muuqda isbadal weyn oo horumar dhanka masakaxda iyo garaadka umadda ah, waayo dadka marka ay siyaasadda ka heshiiyaan waxaa la hubaa in wax badan ay si fudud u dhaqaaqi karaan.
Sababta uu xooga u saaray qodobadaan ayaa u muuqda inay tahay inuusan u baahneyn inuu xildhibaannada u sheego waxa uu qaban karo marka uu kursiga kulul ku fadhiisto waayo waxay cid waliba ogtahay wixii uu qabtay afartii sano ee uu dalka maamulayey kuwaas oo uu qodobadii uu is hor dhigay badankood ka wada mira dhaliyey.
Xasan sheekh Maxamuud oo ah ruux dad isku wad leh oo saaxibbo badan ayaa ku baaqaay in mar waliba uu furan yahay albaabkiisa saaxibtinimo oo cid waliba ay ku soo biiri karto kooxdiisa.
Hadal kaftan dhable ahaa oo dadka oo dhan ka wada qosliyey ayuu goobta ka yiri Fulay xantiisa ma moogee waxan maqlay dad leh Xasan sheekh Baskiisa (waa Saaxibbo badan yahay) waa buuxaa, run maaaha oo bas ma watee, tareen ayaan wataa ee hala soo wada koro, cid kasta waa loo baahan yahaye.
Saaxiib aad ugu dhow oo la soo shaqeeyey muddo dheer ayaan weydiinnay inuu wax nooga sheego Xasan ka mar waliba Faraxsan ee aan shaashadaha ka aragno qofka runta ah ee uu yahay wuxuuna ku jawaabay “Xasan sheekh waa qof dabeeecad wanaagsan oo qofkii la kulmaan aysan is gayn, qofkii bartaana weligiis kalama go’aan waana qof saaxibbo badan haddana qalbi jilcan oo mar waliba faraxsan, waana abuuris uu rabbi dad gaar ah ku manneysatay” ayuu yiri saaxibkaas.
Waxaan Ilaahay ka baryeynaa inuu hogaanka dalka noogu dhiibo haddii uu Kheyr noogu jiro. Aamiin noo dhaha.