Hadal jeedinta musharaxiinta Aqalk Sare ee Somaliland oo dhawaan bilaabanaysa

Reading Time: < 1 minute

Waxaa lagu wadaa in ay  maanta magaalada Muqdisho ka bilaabato dhageysiga khudbadaha Musharixiinta Aqalka sare ee Somaliland. Guddiga doorashooyinka Aqalka sare ayaa ku dhawaaqay in maanta oo Talaado ah shaaciyay in ay dhageysanayaan Ergooyinka khudbadaha Musharixiinta.

“Guddiga maamulka Doorashada kuraasta gobolada waqooyi Somaliland waxay ogaysiinayaan dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in berrito oo ay taariikhdu ku beegan tahay 28-09-2021(Talaada) ay si rasmiya u bilaaman doonto hadal jeedintii(khudbadihii) musharnimo” ayaa lagu yiri war qoraal oo ay baahisay warbaahinta dawladda.

Dhageysiga khudbadaha ayaa ka dhaceysa Teendha ku taalla xerada tababarka ciidamada Cirka ee Afisyooni.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!