Shirka Golaha Wadatashiga qaranka oo Muqdisho ka billawday 3da Janaayo 2022 ayaa maanta galay maalintiisa saddexaad, fadhiga oo la ballaariyay waxaa laga qaybgeliyay Wakiilo ka kala socday Golaha Midowga Musharixiinta & Beesha Caalamka.
Qodobada ugu weyn ee miiska saaran waa Doorashooyinka & Amniga oo ah baahi kale oo loo baahan yahay in xal loo helo maadaama labaduba ay isku xiran yihiin, Ra’iisul Wasaare Rooble & Madaxda Dowlad-Goboleedyada ayaa is dhaafsanaya sida loo dadejin karo Doorashada.
Sida ay sheegayaan ilo ku dhaw shirka, Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa go’aansaday in aan waxba laga soo qaadin baaqi ay soo jeediyeen Midowga Mushraxiinta iyo Ururuada Bulshada ee ahayd in wax laga saxo qaabka doorahada u socoto.