GW Puntland oo ku baaqday in aan laga qayb-galin shirka wadatashiga Muqadisho

Reading Time: 2 minutes
Qoraal caro ah oo ka soo baxay Gollaha wakiiladda Puntland ayaa uga digay madaxweynaha dowladda Federaalka ee Somaliya inuu saxiixo habraacyo iyo xeerar ka soo horjeeda Dastuurka federaalka Somaliya. Gollaha wakiiladda Puntland ayaa go’aan gole oo ay soo saareen waxay ku sheegeen in xeerka doorashada federaalka aan waqtiga lagu gali karin doorasho cod iyo qof ah taasi oo ku qabsoonta xor iyo Xalaal ah.

Dhanka kale barlamaanku wuxuu u soo jeediyay goloyaasha dowladda Puntland inaysan qayb ka noqon shirka wadatashi ee uu ku baaqay madaxweynaha federaalka 5-8 July, inta laga saxayo xadgudubka sharci ee hay’adaha federaalku galeen.

Dhowr maalin ka hor ayay ahayd markii Barlamaanka Federaalka uu 13 Xubnood oo gobolka Banaadir uu ku yeelanayo Aqalka sare ee federaalka, sidoo kale waxay dhagaysteen Hadal jeedintii Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka Xaliimo Yare oo sheegtay in doorashadu aysan waqtigeeda ku qabsoomi karin.