Sida uu sheegey La-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweyne Farmaajo Mudane Cabdi-Saciid Muuse ayaa waxaa dhawaan la filayaa in Guuto Ciidanka Military-ga Eritrea ah ay Soo gaaraan Magaalooyin Baydhabo iyo Xamar.
Ciidanka Military-ga Eritrea ayaa Ka mid noqon doona Ciidamada Nabad ilaalinta ee Ka Socoda Wadamada Deriska ah, Cabdi-Saciid Muuse ayaa sheegey in hada lagu howlan yahay sidii loo qorsheeyn lahaa Deegaanada ay Ka howl galayaan oo la filaayo in ay noqdaan Jubada dhaxe iyo Galguduud.
Cabdi-Saciid Muuse ayaa sheegey xiliga ay imaanayaan Ciidanka Military-ga Eritrea loo qorsheeyey February 8 2019 ee sanadka cusub, waxaana loo sameyn doonaa soo dhoweeyn aad u balaaran.
Sida uu noo sheegey Cabdi-Saciid Muuse Madaxweyne Farmaajo ayaa hore u Saxiixey heshiiska ay ku imaanayaan Ciidanka Military-ga Eritrea ee Ka qeyb noqo doona Ciidamada Nabad ilaalinta ee jooga Soomaaliya.