Guulaha ilaa Hadda ay Gaartay Dowladda Miyaa Kor U qaaday Dagaalkii Afeed ee CBB-dii Farmajo iyo Fahad? 

Reading Time: 2 minutes

“Somali Heshiis ah,Dunidana Heshiis la ah” Guud ahaan waxaa muuqata inay dadka somaliyeed weli ay u baahan yihiin inay fahmaan waxyaabaha ay muhiim u ah sida ilaalinta sharafka iyo qarnimada dalka. Dalka wuxuu ku deism karaa taleydaa kaa fiicaniyo teydaa kaa fiican ee kumą dsismi karo waxkasta oo wanaag ah ee aad sameyso waan diidi.

Kooxdii dalka baabi’say weli waxaa ka muuqda inaysan quusan oo ay iskudayayaan inay haystaan msakaxda umadda madaama ay madaxtooyada lumiyeen lagana saaray rabbi mahaddi iyadoon xabbad dhicin.

Inaysan quusan waxaa kuu cadeynaya waxay weli isku dhinc wadaan dacaayad  been ah iyo wadding isu ekeysiintii lagu yaqiin. Waxayna rabaan weli inay iyagu ahaayeen kuwii dalka u roonaa oo tallaabo kastaa oo la qaadaa ay khaldan tahay sida xiriirada caalamiga oo lasoo wada celiyey halka aan ku koobneyn Itoobiya oo ay sidii cunug yar gacanta intay naga qabato marba dal na geyneysay iyo Erateriya oo naf ka dhiganeysay inuu dalkooda madaxweyne soo booqday maadaama uusan jirin muddo madxweyne soo booqday Asmara.

Waxaa la xaqiijiyey in waddamada deriska gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya lagula noolaado nabad, istexgelin, iyo iskala shaqeynta sidii loo soo afjari lahaa dhammaan wixii madmadow ah ee galay wada noolshada iyo derisnimo fiican si loo wajaho halka cadow ee la wada leeyahay, kaas oo ah Shabaabka.

Horay waxay Shabaabka qoraxyo lagu hoobtay, dilal qorsheysan iyo xaalufin dhaqaale uga geysteen Somaliya haddana waxaa u qorsheysan inay sidaas ka sameeyaan Kenya iyo Itoobiya oo ay hadda ku hayaan weerarro ay dad ku laayeen. Shabaab waxaa mar waliba la shaqeeya unugyo gudaha dalalkaas ku jira oo qaarkood ay hogaamiyayaal yihiin, waxaana loo baahan yahay inay seddexda dalka xogta wadaagaan kadibna dagaal loo dhan yahay ku qaadaan shabaab.

Laakiin waxaa muuqata in Kooxdii Farmajo oo ay hadda horsed u yihiin Axmed Dheere iyo Mustafe Cagjar inay  raadinayaaan meel ay ku sii daahi karaan iyo hab ay u sii joogi kraaan,iyagoo isticmaalaya maamul goboleedyada cabsida ka qaba inay dadkooda talada ka wareejiyaan maadaama dadku ay xor u noqdeen inay masiirka degaakooda ka tashadaan.

Hogaamiyayaasha Puntland  Siciid Deni iyo K/Galbeed Cabdicaziz Laftagaree ayaa durababa iska xaadiriyey Addis Abeba oo u haysta inay soo cimreysteen  waxaana la leeyaay waxaa isagana sugaya in loo yeero Qoorqoor oo  aan isagana caga badan ku taagneyn.

Arrimahaan iyo haddallo badan oo aflagaaddo iyo dayaacado ah waxaa lacag badan ku bixinaya waa Farmajo, Mustafe Cagjar  iyo Axmed Dheere oo guuldarro u haysta inay dowladdaan saxdo dhammaan wixii ay gudaha ka khaldeen sida loo saxay wixii ay dibadda ka soo khaldeen.

Dowladdaan waxaa horyalla:

1.     In hadda gudaha loo soo jeesto oo shir loo qabto hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyada lana kala qato waajibaadyo cad oo dib loogu xaqiijinayo waxqabad muuqdaa oo dhanacyo badan leh.

2.     In shabab dalka laga sifeeyo loona maro waddo kasta oo macquul ah iyadoo lala kaashanayo dalalka deriska gaar ahaan Kenya iyo Itoobiya oo iyagab dhaibaatada nala qaba.

3.     In Xoog loola dagaallo abaaraha oo dad dhimanayaa wax loo qabto. 

4.     In lagu dhaqaaqo guud ahaan Barnaamijka dowladda ee lagu sii yey Kalsoonidii ugu badneyn ee dowlad la siiyo muddo dheer.

Dalalka Deriska gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya waxay caddeeyeen inay diyaar u yihiin inay Dowladda Xasan sheekh iyo Xamza ay kala shaqeeyaan Ciribtirka Shabaabka , waxaana qeyb weyn ka ah inay wax ka qabanayaan shakhsiyaad dalalakooda ku gabbanaya ee shabaabka la shaqeeya iyo kuwa kharashka ku bixinaya sidii dowladda Somaliya waxqabadkeeda muuqda loo dhantaali lahaa. Shabaab waa cadowga koowaad ee Geeska Afrika, haddana waxay rabaan inay TPLF, OLA iyo OLNF wixii ay heli karaan isku xerta oo dalkasta xabad ka bilaaba.