Gudoomiyihii Baarlamaanka Jubbaland oo la doortay

Reading Time: < 1 minute

Waxaa la doortay gudoomiyihii Baarlamaanka Jubbaland , waxana loo doortay Shiikh Cabdi Cabdiraxmaan. Gudoomiyaha ayaa helay cod gaaraya 55 cod halka qofkii  la tartamayay oo lagu magacaabo Xussen Shiinow uu helay 18 cod.

Dhnaka kale gudoomiye ku xigenka koowad  oo loo doortay Aadam Khalif waxa uu helay 73 cod  gudoomiye kuxigeenka labad Cabdi Baalay oo ku guulaystay 73 cod ayuu ku gulaystay. Labada ma jirin cid la tartantay ka dib markii dadkii la tartamayay ay tanaasuleen.

Doorashada Gudoomiye Shiikh Cabdi Cabdiraxmaan ayaa tusaale u ah qaabka loo  codeeyn doono doorashada madaxweynaha. Shiikh Cabdi Cabdiraxamaan ayaa ah qof ku dhaw Madaxweyne Axmad Madoobe halka Xuseein Shinow ay wateeen dadka ku xiran MW Farmaajo.