Guudlaawe: “Hirshabeelle ma aha Xisbi laga baxo ee Degaan lagu dhasho..”

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka ka dhashay xil ka qaadistii guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, isagoo difaacay Hirshabeelle.

Isagoo ka hadlayey xaflad loo qabtay munaasabadda 1-da Luulyo oo xalay ka dhacday magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle ayuu faahfaahin ka bixiyay dagaalkii Alshabaab ee ka bilowday Hirshabeelle, sida uu maamulkiisa uga qeyb galay abaabulka degaanada Gobolka Hiiraan, kadibna ay u gudbeen Gobolka Sh/Dhexe.

“Hirshabeelle ma aha xisbi laga baxayo ee waa sida aad ugu dhalatay degaankan, weligaa inta aad nooshahay waa ku jireysaa ee qeybtaada ka qaado.. waxaana xaqiiq ah inaysan dowlad Goboleed kale noqoneynin..” ayuu yiri Madaxewynaha Hirshabelele.

Cali Guudlaawe wuxuu intaas ku daray in Guud ahaan Hirshabeelle ay maamulaan dad lasoo magacaabay oo Wareegto ku yimid, balse hadda ka dib ay ka shaqeynayaan sidii dadka ay u dooran lahaayeen maamulkooda.

Arrintan ayaa timid, iyadoo weli khilaaf ka taagan yahay xil ka qaadistii Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte, oo diiday wareegtada xilka looga qaaday, kadibna shaaciyay inuu yahay madaxweynaha Hiiraan State.