Guud ahaan Magaalada Muqadisho oo maanta go’doon buuxa la galiyay

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo markii horayba  shacabka Muqadishu ay ku jireen ga’doon iyo cunaqabayn soo socotay mudo ka badan saxadax sano ayaa hadana maanta Ciidamada ammaanka DFS ee ku sugan Isgoysyada Wadada Wadnaha iyo Maka Al-Mukarama isku xira waxa ay joojiyeen isu gudubka Gaadiidka, waxaana ay ku jareen biro iyo dhagaxaan hor leh.

Sida la wada og yahay  wadooyinkaan ayaa horay dhagaxaan is dhaaf ah ay dhigeen Ciidamada Dowladda, isla markaana kaliya ay ka gudbi jireen Mootooyinka iyo Gawaarida shaqsiyaadka aqoonsiga heysta, waxaa saakay jirin isu gudub ay sameynayaan. Dadka ayaa lugeynaya, waxaana dhinaca kale ee wadada ka raacayaan Gaadiid kale oo busteejo ahaan looga rarayo sida Mustaqbal ay u sheegeen qaar kamid ah dadka isaga kala gudba Waddooyinkaan.

Wariyaaysha MOL ayaa saakay ku soo arkeen qaybo ka mida magaalada Muqdishu jidgooyo baahsan, waxaa xiran Isgoysada Sanca, Jardiinka, Siinay, Folorenza, Howlwadaag iyo Tarabuunka, waxaana horay u xirnaa Isgoyada Geed jaceyl, Aadan Cadde iyo Bakaaraha oo dhawaan dhagaxaan lagu wada gooyay. Sidoo kale Ciidamada Dowladda waxa ay xireen isgoyska isku xira Soobe iyo Tarabuunka, Banaadir iyo Digfeer, waxaana kol hore Dowladda ay dhagaxaan ku xirtay Jid caddayaasha Xaafadaha dhexmara.