Guryo lagu iibiyo gabdhaha yaryar ee Soomaalida oo ku yaala Nairobi oo la soo xiray (Video Daawo)

Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa soo xiray guryo ama hoteelo ku yaalo xaafada Islii ee magaalada Nairobi oo lagu iibiyo hablaha yar yar ee Soomaalida. Guryahaan ayaa waxa la keeni jiray gabdhaha yar yar oo ay da’doodu ka hooseyso 15 sano jir halkaas oo lagu iibin jiray.

Gabdhahaan yar yar ayaa qaarkood waxa laga soo afduubi jiray dulka Soomaaliya ee Kenya halka qaar kale laga keeni jiray dalka Soomaaliya iyada oo lagu keeni jiray Kenya in tahriib loo kaxeeynayo.

Caruurtaas qaar ka mida ayaa uur qaaday oo caruur laga dhalay halka  qaar kale cuduro ay la ildaran yihiin. Waxaa nasiib xumo ah guryaha lagu iibiyo caruurtaas waxa iska leh oo maamula kana bayacmushtara dad Soomaaliyeed oo intooda badan u badan haween da’ ah.

Halkaan ka daawo Video:

[embedyt] https://www.youtube.com/watch?v=j-ITX-LMuLw[/embedyt]

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here