Guddoomiyihii hore ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Deni iyo saaxiibadiis curyaaminta barnaamijka dimuqraadiyadda Puntland kaas oo soo socday mudo ka badan 20 sano.
Guuleed Saalax Barre oo shalay wareejiyay xilkii guddoomiyenimo ee Guddiga ayaa sheegay in ay Madaxweyne Deni isku fahmiyaayeen dhismaha goleyaashii deegaanka ee la doortay bishii October sanadkii hore (Qardho, Eyl iyo Ufeyn), tayeynta hay’adda caddaaladda iyo miisaaniyadda dowladda ee guddiga loogu talagalay.
Guuleed Saalax wuxuu tilmaamay in madaxweynaha Puntland uusan ku qanacsanayn dhexdhexaadnimada guddoonka guddiga doorashooyinka, iyaguna ku qanciwaayeen caqabado isa soo taraya oo waxba laga qabanwaayay.
Sidoo kale Guuleed ayaa sheegay in ay jiraan kooxo abaabulan oo qaarkood wasiiro yihiin oo barnaamijka dimuqraadiyadda Puntlnad la dirirayay tan markii ay shaqada bilaabeen guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland.
Saciid Deni oo markiisii hore qorsheynayay in uu da’dajiyo doorashada dowladaha hoose si ay ugu noqoto borobogando ololaha doorashadiisa heer federaal ah ayaa markii uu ku fashilmay sadaxdii magaalo ee tijaabada ahaa waxa uu go’aansaday in uu gabi ahaanba curyaamiyo geedi socodka doorashooyinka.