Gudoonka golaha shacabka oo laba garad noqday (AQRISO)

Reading Time: < 1 minute

Masuuliyiinta Sare ee Gudoonka Golaha Shacabka Somaliya, ayaa ku kala qaybsamay Mooshinkii laga soo gudbiyay Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, iyadoo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal uu qabtay Mooshinkaasi oo 92 Xildhibaan tiro lagu sheegay ay soo gudbiyeen.

Arrintaasi ayaa waxa ay keentay Khilaaf cusub & kala aragti duwanaansho soo shaac baxday oo soo kala dhex gashay xubnaha Gudoonka Sare ee Golaha oo markii horeba Xurguf Siyaasadeed oo xooggan ay ka dhex taagnayd.

Gudoomiye Ku xigeenada Koowaad & labaad ayaa meel cad ka sheegay in Mooshinkaasi uu qabtay Gudoomiyaha Baarlamaanka uusan sharci aheyn, islamarkaana wixii ka dhasha oo masuuliyad ah uu qaadi doono Gudoomiye Mursal.

C/wali Sheekh Ibraahin Muudey Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Somaliya ayaa ku tilmaamay xilliga Mooshinkaasi uu qabanaayay Gudoomiye Mursal inuu ahaa ruux xanaaqsan.

Saddexda xubnood ee ugu sareysa Golaha Shacabka ayaa la kala saftay dhinacyada Mooshinka soo gudbiyay iyo kuwa diidan ee dowladda difaacaya, taasi oo meesha ka saareysa jiritaanka nidaamka sharciga iyo dhex dhexaadinta ay ku hoggaaminayaan Golaha Shacabka Somaliya.