Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-udhiska.
Magacaabista Hoosow ayaa timid ka dib markii shalay uu iscasilay Wasiirkii Howlaha Guud Mudane Cabdifitaax Ibraahim Geesay oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay faragalin ku heyso maamulka Koonfur Galbeed.
Waa Wasiirkii Afaraad ee Muddo ka yar 2 sano lasoo Magacaabo Wasaaradda Howlaha Guud ee Soomaaliya.
Waxaa xusid Mudan in Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo ku xigeenkiisa labada ay dalka ka maqan yihiin.