Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in masuuliyiin ka tirsan hirshabelle doon ay saarnaayeen kula gadoontay Fatahaada ka dhalatay biyaha Wabiga Shabeelle.
Mas’uuliyiinta Doonta la socota ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen Duqa degmada Beledweyne Safiyo Xasan Sheekh Cali Jimcaale, guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax iyo dad kale,
Wararka ayaa intaasiw axaa ay ku darayaan in dadkii la socday Doonta dhamaantooda lagu la’yahay biyaha Wabiga Shabeelle.
Sidoo kale goobjoogayaal ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta Doonta la socotay in ay ku sii jeedeen dhinaca deegaanka Ceel Jeele ee loo barakacay, hasse ahaatee intii aysan gaarin la gadoontay Doontii ay la socdeen.
Webiga Shabeelle ayaa fatahaad hor leh ka sameeyay qaar deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.