Yuusuf Axmed Hagar Dabageed Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay dhammaatay waqtigii madaxda Hirshabelle ogaal la’aan ku kala bedali jireen mas’uuliyiinta degmooyinka maamulkaasi.
Gudoomiye Dabageed Wuxuu sheegay in uu dhammaaday waqtigii ogaal la’aan loo bedalayey mas’uuliyiinta, islamarkaana isaga iyo madaxda maamulka Hirshabelle isku raaceen in looga dambeeyo shaqooyinka gobolka Hiiraan.
“Hiiraan anigaa xukuma, gacan dhaaf ma jiro, waxaan kaloo idiin sheegayaa in madaxweynaha Hirshabelle iyo wasiirka arrimaha gudaha isku garanay in aniga mas’uul ka ahay wax walbo oo gobolka ah, cid haddii la bedalo ama mid kale la keeno anigaa sameeyee ogaada” ayuu yiri Dabageed.
Sidoo kale, Yuusuf Dabageed oo si gaar ah ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in looga baahan yahay dhankooda iney ka shaqeeyaan nabadda, islamarkaana haddii ay baahiyaan wax aanu maamulka la ogeyn tallaabo laga qaadi doono.
Maalmo ka hor ayaa gobolka Hiiraan waxaa loo soo magacaabay Yuusuf Dabageed, iyadoo marar badanna uu xilkan uu soo qabtay.