Gudoomiye Yariisow oo Sheegay In Xukuumada uu Ka Shaqeyn La Yahay,Faragalina Ku Hayan Howlaha Xafiiskiisa(Dhageyso)

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in mudo Saddex bilood ah ay la tacaalayaan madax ka tirsan dowladda Soomaaliya oo Faragalin ku haya howlaha Dowlada Hoose ee Xamar.

Waxa uu sheegay in rag ay saaxiibo yihiin oo isugu jira Xildhibaano,Wasiiro iyo siyaasiyiin ay Xafiiskiisa yimaadaan,iyaga oo Shacabkii loo Shaqeyn lahaa cariiriya.

Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku soo aadaya xilli ay Jirto warar shegaya in Duqa Muqdisho Xilka laga qaaadayo.