Gudoomiye Yariisoow”Ciraaq iyo Afgaanistaan lama mid noqon karno”

0

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Simon Mulongo Ku-simaha Madaxda Midowga Afrika iyo Taliyaha AMISOM ee Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay howlgallada shabelloyinka oo muhiim u ah Amniga Muqdisho iyo Qorshaha Amniga Caasimadda.

Guddoomiyaha iyo Saraakiisha ka scotay Midowga waxay isla falanqeeyeen muhiimadda uu amniga Caasimaddu u leeyahay xasilloonida dalka, iyagoo isku raacay in la dardargeliyo howlgallada Gobollada Shabellaha Hoose iyo Shebellaha dhexe looga sifeynayo Al-shabaab, taasoo muhiim u ah amniga Caasimadda.

Eng.Yarisow ayaa tilmamay in saraakiisha Midowga Afrika ay isku af garteen in la sameeyo guddi farsamo oo ka socda labada dhinac, kuwaasoo ka wada shaqaynaya qorshaha Amniga Caasimadda.

Dhinaca kale Waxa uu kahadlay raqiga udhaxeeya Somalia iyo dalalka carbeed ee ay ka aasaasmeeyn ururada Argagaxisa isagoona Sheegay Somalia in aysan lamid ah Dalalka Ciraaq iyo Afghanistan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here