Gudoomiye Yariisoow oo si lala yaabay u Bahdilay Wariyayaasha Muqdisho (VIDEO)

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho ayaa waxaa uu si lala yaabay sharafta iyo Karaamada uga dilay qaar ka mid ah Wariyayaasha Ka Howl-galo Gobolka Banaadir gaar ahaan kuwa ku qoran kasoo Waramida Xarunta Gobolka Banaadir.

Wariyayaasha ayaaa si weeyn uga carooday falkaan uu ku kacay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow oo ah in Bartiisa Facebook-ga lagu faafiyay Sawiro laga soo qaaday Labada Wariye oo Jilbaha dhulka dhigtay ama Kadalooba oo kor ugu haaya Makarafoonada uu ku hadlaayo.

Sawiradda Wariyayaashaasi ayaa siyaabooyin qaldan waxaa loogu adeegsaday Baraha Bulshada,waxaa la tilmaamay in Gudoomiye yariisoow uu ka baaqsan karay in wariye shaqadiisa gudanaayo hadana lagu amray in uu jilbo jabsado Baraha bulshada lagu baahiyo sawiradiisa.

Cumar C/laahi Xassan (Cumar Naani) oo ka howl-galo Mid ka mid ah Idaacadaha Maxaligga ah ee ku yaala magaalada muqdisho islamarkaana ah shaqsiyagga sida qaldan gudoomiye yariisoow uga baahiyay sawirka ayaa Muuqaal kooban oo uu soo duubay kaga hadlay arinkaan.

Wariyahu waxaaa uu xusay in uu shaqadiisa gudanaayay islamarkaana sababta uu u fadhiistay ay aheed in CAMERA-DA ku dhaceeyso Gudoomiyaha uu jaanis siiyo si loo arko.

https://youtu.be/GwqlMQZ3Mfw

Inta badan Wararka iyo Sawiradda Lagu baahiyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ah kuwa aan Masuuliyadda la iska saarin oo ha Yaacdo ah.