Gudoomiye yariisoow oo sabab u noqday in siyaasiin badan ka furtaan Nabad iyo Nolol (Ogoow sababta)

Reading Time: < 1 minute

Warar hoose oo ay heleyso MOL  ayaa sheegaya in xiisad iyo muran xoogan uu ka dhex taagan yahay siyaasiyiin caan ah oo taageersan Nabad iyo Nolol iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Duqa Muqdisho Cabdi raxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in Siyaasiyiintan ay Warqad Dacwad ah ugudbiyeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre iyagoo ka cabanaya arrimo badan.

Siyaasiyiintan oo magacyadooda aan dhawaan idin soo gudbin doono ayaa ashtako ah Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Eng Cabdi raxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Guddoomiye Yariisow ayaa joojiyay inuu xafiiskiisa ku qaabilo siyaasiyiintan, isagoo sidoo kale hore kaga jaray lacago ay dowlada ka qaadan jireen.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay in arintan uusoo fara galinayo Madaxweynaha Soomaaliya maadaama siyaasiyiintan ay dowlada tiir u yihiin isla markaana hadii ay kasoo horjeestaan ay sii fara badanayaan mucaaradka dowlada.