Gudoomiye Yariisoow oo lagu Amray in uu Faarax Macalin Siiyo Lacag gaareeysa 150,000$

Reading Time: 2 minutes

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow ayaa lagusoo waramayaa in Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu ku amray in uu bixiyo Lacag gaareeysa Boqol Iyo Konton Kun oo doolar taasi oo la siinaayo siyaasigga Lagu Magacaabo Faarax Macalin.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa  Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ku wargaliyay in Lacag lagu sheegay abaal gud uu Bixiyo islamarkaana uu u gacan galiyo Faarax Macalin.

Faarax Macalin oo ay isku heeyb  yihiin Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxaa u ku biiray Kooxda Qaaqlayaasha Ee Baraha Bulshadda Ka Difaaca Qaladaadka Iyo Indho Sarcaadka Hogaanka Dowladda.

Sidoo kale Faarax Macalin oo Gudoomiye Ku Xigeen Baarlamaanka kasoo noqday Dalka Kenya ayaa waxaa lagu xasuustaa in uu Imaaraat-ka dhaliil iyo warar been abuur ah la daba-kacay iyadoo la rumeeysan yahay in Villa Soomaaliya Laga soo abaabulay.

C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Aqbalay Dalabkaasi  Asigoo Bixiyay Lacagtaasi waxaana hada la qorsheeynayaa  sidii xil ka qaadis laagu sameeyn lahaa.

Dhowrkii Todobaad ee ugu Dambeeyay  waxaa qasnada Gobolka Banaadir laga Bixiyay Lacag Gaareeysa 600,000$ Lix Boqol oo Kun oo doolar taasi oo lagu bixiyay Hotelo iyo laaluushka Siyaasiin

Waxaa Wax lala yaabay iyo ceeb ah in Madaxda Sare ee dalka ay ku mashquullaan Boobka tooska ah ee Bulshadda iyadoona ay u dheertahay in shaqsigii kasoo horjeesta Dhacaasi xilka laga qaadaayo