Gudoomiye Yariisoow oo la sheegay in uu ka baqanaayo dhulka Dowlada ee ku yaala Dayniile (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo dhowrkii maalin ee lasoo dhaafay hadalo hanjabaad ah u marinaayay  Senator Muuse Suudi Yalaxoow,ayaa loogu baaqay.

Siyaasi khaalid Cabdi Ibraahim ayaa sheegay in dhulka dowlada hadii dad laga kicinaayo in uu ku yaalo degmooyinka gobolka Banaadir oo idil islamarkaana loo baahan yahay in la wada Baneeyo.

”Hadii uu run sheegaayo Yariisoow xeryaha ciidanka ee ku yaala dayniile iyo dhulka danta guud ha yiraahdo hala baneeyo,waan ognahay ma kari karo oo waa uu ka baqanayaa” Sidaasi waxaa yiri Khaalid.

Dhanka kale waxaa uu soo hadal qaaday arrinta Xaaji muuse waxaa uu sheegay in sharciga loo baahan in lagu kala baxo oo aan la sheegan awood.

”Dalku sharci ayuu leeyahay mustaf dhuxuloow-na gobolka kama arimiyo,ee yariisoow waxaan leeyahay ha noqon nin dadkiisa lagu diro”

Arrinta isqab-qabsiga dhulka ayaa si aad ah uga taagan gobolka Banaadir waxaana ilaa iyo haatan,aan xal laga gaarin dhulka Mariino oo uu degan yahay xaaji muuse Suudi.