Xilal badan oo kala duwan ayuu magacaabay gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow,kuwaasi oo hada la garan layahay sidii looga laaban lahaa Maadaama la tashi la’aan uu ku magacaabay.
Dhowr Gudoomiye ku xigeen ayuu u magacaabay Degmooyinka gobolka Banaadir ilaa hada ma jiro shaqsi xilkaasi loo magacaabay la wareegay,waxaana shaqsiyaadkii hore xilalkaasi u haayay ay sheegeen in aysan aqbaleeynin xilka qaadistaasi maadaama aysan aheeyn mid sharci ah.
MOL ayaa dhanka kale loo xaqiijiyay in Gudoomiyahii Degmada Howlwadaag Cabdikariin cali kaar uusan xilka wareejin,waxaana taasi ay sababtay in Gudoomiyaha Cusub uusan wali shaqo bilaabin.
Arintaan ayaa waxaa eedeeda qaadaya Gudoomiye yariisoow,maxaa yeelay waxaa uu magacaabay gudoomiye asigoo aan la tashan odayaasha iyo dadka deegaan mana uusan ilaalin awood qeeybsiga beelaha