Gudoomiye Yariisoow oo ka Carooday Go’aan uu  qaatay Wakiilka Kheeyre Ee Gobolka Banaadir iyo Xil ka Qaadis la Filan Karo,Mar-dhaw!!

Reading Time: < 1 minute

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa la rumeeysan yahay in uu ku jiro maamul hoosaad kaasi oo laga maamulaayo xafiiska R/wasaare Xassan Cali Kheeyre,islamarkaana Gudoomiye yariisoow uu yahay Magac u yaal aan Awood Maamul Laheeyn.

Gudoomiye Ku Xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir Ee Dhinaca Maaliyadda Xusseen Maxamed Nuur oo ay qaraabo yihiin Xassan Cali Kheeyre ayaa waxaa uu kala gedinayaa Howlaha Gobolka waxaana uu Dalacsiiyay Xamdi Cali Nuur oo ah Xaaska yaxye Cali hareeri islamarkaana ay isku beel yihiin waxaana arinkaan ka carooday Gudoomiye Yariisoow

Arinkaani ayaa waxaa ay dhalisay in Muranku uu gaaro xafiiska Madaxweynaha,wxaaana xusaan oo garad ku og Kheeyre uu sameeyay been abuur uu ka gudbiyay C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow.

Xamdi Cali Nuur oo ah Gabadha dhalisay Murankaani ayaa waxaa ay Gobolka kasoo qabatay Howl badan waxaana mid walbo lagu geeynaayay ina adeer,waana shaqsiga kaliya ee 4-jeer in ka badan Gobolka Xilal Muhiim ah looga dhiibay.

C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow waxaa hada la diyaarinayaa shaqsigii lagu bedeli lahaa,waxaan xafiiska Kheeyre ka Socda Abaabulka Arinkaasi