Gudoomiye Yariisoow oo Ina Adeerkiis siiyay Dhul ay Laheed Hooyo fartuun Cabdi muuse oo ku yaalla Degmada Hodon!!!

Reading Time: 2 minutes

 Hooyo fartuun Cabdi muuse waxaa ay ka mid tahay dadka sida xoogga ah looga heeysto dhulkeeda oo ku yaala degmada Hodon Ee Gobolka banaadir dhowr sano oo kala duwan ayeey muqdisho kusoo laa-laabaneeysay iyadoo islaheed mar uun hel Cadaalad kuusoo dhicisa dhulkaaga  Hase’yeeshee Gobolkii ay Cadaalada ka rabtay ayaa loo gacan galiyay Shaqsi u bareeray Boobka Hantida shacabka iyo Nin jecleeysi

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdi Raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow oo lagu Naaneeso(YES MAN) Ayeey Hooyo fartuun Cabdi muuse u tagtay waxaa ay  u sheegtay in laga heeysto dhul ay leedahay islamarkaana ay u heeysato DUCUMENTS-giisa oo dhameeystiran

Si waqtiga  looga dhameeyo islamarkaana loo galiyo Qarash badan oo wax furdaamis ah ayaa Hooyo Fartuun loo qabtay Balamo kala duwan kol walbo markii ay dhamaato Mudada loo qabto waa laga meermeeraa

Ugu Dambeeyn Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdi Raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow ayaa si Cad oo aan Gambasho Laheeyn ku Yiri’’Dhulkaas  nin aan Qaraabo hoose nahay ayaa heeysto Cadeeymo ayuuna u heeystaa ee ha isku luggooyn’’

Hooyo fartuun Cabdi muuse waxaa ku dhacay Muraarad Dilaac koomo ayeey gashay Waxaa ay isbitaal ku jirtay mudo dhowr Todobaad ah,waxaa ay raadisay kolkii ay yara Bogsootay Siyaasiin iyo Waxgarad ay u marto R/wasaare Kheeyre  waxaa adkaatay in ay la kulanto sida ay MUQDISHO ONLINE u xaqiijisay Hooyo fartuun Cabdi muuse

MUQDISHO ONLINE ayaa Baaritaan ku sameeysay runta boobka aan qorsooneeyn Ee lagu sameeyay Hooyo fartuun Cabdi muuse,Dhulku waxaa uu ku yaalaa Degmada Hodon Gaar ahaan Xaafadda siigaalle Agagaarka Masjidka Macalin Nuur,Waxaa hadda deggan  Reer Kuuloow oo caan k ah Xaafadaasi islamarkaana ay Qaraabo dhaw Yihiin gudoomiye Yariisoow

Warar Hoose oo ay heshay MUQDISHO ONLINE ayaa waxaa ay sheegayaan in hadda la qorsheeynaayo in Dhulkaasi loo sharciyeeyo Cabdulla Xaaji Kuulloow oo deggan ka dib markii laga soo dhameeyay  Gudoomiye Yariisoow

Hooyo Fartuun oo la Hadashay MUQDISHO ONLINE’’Ayaa tiri’’Habeenkii farmaajo la doortay waan farxay cadaalad ayaan filaayay waxaan go’aansaday inaan kazoo baxo Boorame oo aan deganahay lkn wax walbo waxeey noqdeen yaa dad ii xigo’’

Gudoomiye Yariisoow ayaa waxaa suuragal ah in hadii Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Kheeyre Arinkaan ku Ogaadaan in uu xilkiisa ku seego,Maadama Boobka Dhulka Shacabka dhowr jeer la isku qabsaday

Waxaa ceeb ah in Madaxda Qaranka ay mar walbo Gobolka Banaadir usoo Magacaabaan Shaqsiyaad u diyaarsan boobka iyo dhaca Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Gobolka Banaadir