Gudoomiye Yariisoow oo furay Tababar Xanaaqa looga hor-tegaayo iyadoo Muqdisho Amni iyo Cadaalad aysan ka jirin!!

Iyadoo Magaalada Muqdisho ay  ka jiraan falal amni daro,dilal joogto ah,qaraxyo iyo sidoo kale Nadaafad xumo aad u baahsan ayaa waxaa Maanta muqdisho lga daah-furay shir dad badan yaab ku noqday.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Tababar looga hadlaayo ka hortagga Xanaaq,arinkaan ayaa ah mid weeyn dadku ula yaaban yihiin maadaama aan waqtigeeda la joogin,

Markii aad eegto shaqooyinka qaar ee Dowladda waxaa kugu soo dhacaya wadamada horumaray ee waayay nolasha wax ay qabtaan ee sameeyo shaqooyin maala-yacni ka ah wadamada dhibaataysan sida Soomaaliya,suuragal kama ahan mowduucyadaan.

Shaqada Muqdisho taalo, iyo ammaanka sida uu yahay iyo wax socda kala fogaa,waxaana aad moodaa in waxyaabo badan indhaha laga qabsanaayo.

Tani waxaa ay qeeyb ka tahay fashilka muuqdo ee Maamulka Gobolka Banaadir,waxaa dulleedka Muqdisho ku dhimanaya dad baahi heeyso oo aan xitaa helin Biyo ay cabaan,markaas ayuu gobolka Qarash ku bixinayaa Tababar aan micno laheeyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here