Gudoomiye Yariisoow oo Difaaca Xilkiisa la daalaa-dhacaya iyo Muqdisho oo Moyar La’aan ah!!

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (YARIISOOW) ayaa waxaa lagu tilmaamay mid waqtigaan ku mashquulsan qaabkii uu kurisga ku sii joogi lahaa oo kaliya taas oo qasabtay in Arimaha Gobolka Dhamaantood Dayacmaan.

Axmed Halane oo ah Falanqeeye Arimha siyaada oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Gdoomiye Yariisoow uu amniga ka mashquulay taas bedelkeedana uu u jaheeystay sidii xilkiisa uu u ilaalin lahaa

‘’Fadlan kursigaaga ilaali ayeey ku wada mashquuleen Maamulka Gobolka banaadir amniga waxba kalama socdaan’’ayuu yiri Axmed xalane

Amnigga Magaalada Muqdisho ayaa faraha ka baxay waxaana taas lagu micneeyay in Dowladdu ay Faraha ka qaaday xaqiijinta amniga iyadoo ku mashquulsan arimo kale.