Gudoomiye Yariisoow oo Ceeb kala soo Laabtay Kaaraan ka dib Booqasho uu ka tagay Xarunta Agoonta (VIDEO)

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) ayaa maanta waxaa uu booqday xarun lagu xanaaneeyo caruurta oo ku taala Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir,Hase’yeeshee markii halkaasi uu gaaray waxaa dhacay ceebtii aduunka.

C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) oo ubadka halkaasi lagu xanaaneeynaayay wax yar oo dhaqaalle ah uga tala-galay ayaa durba waxaa dhacday in shaqsiyaadkii loo wakiishay bixinta dhaqaallaha ay musuq maasuqeen waxaana yariisoow uu kasoo laabtay halkaasi asigoo isku soo sawiray kaliya Ardayda.

Waxaa ceeb ah in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir  C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) uu hadana Bartiisa Twitter-ka soo dhigo Muuqaal uu ku sheegaayo in uu Ciid siiyay Ardayda Agoonta ah.

Muuqaalkaan aad arkeeysaan waxaa ay Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Basma ku leedahay ardayda Ninka idiin yimid ma taqaana,iyaguna maxaa ay ku jawaabayaan bal daawo