Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Guddoomiye Yasiirow uu amar ku bixiyay burburinta goobihii ganacsiga ee ku yaalay agagaarka Airport ee magaalada Muqdisho si uu kalsooni uga helo beeshiisa islamarkaana si deg deg loo Fuliyo
Waxaa la rumeysan yahay in dhismeyaasha maanta la burburiyay oo ay lahaayeen dad ay noloshu ciriiri ku tahay si loogu qanciyo Xildhibaan Mina Xassan Shibis oo ka mid ah xubnaha xildhibaanada oo si weyn u mucaaradsan Xukuumadda waxayna doonayan Yariisow iyo Kheyre in lagu qanciyo Drs Mino Xasan si codkeeda loo helo,
Dhimaca kale Xoghayaha Guud ee gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar kale oo lagu joojinayo burburinta goobahaas,waxuuna sheegay inysan jiri karin qof ku dhici karto Talaabadaasi
Maamulka Gobolka Banaadir ee uu hogaamiy Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yarisoow ayaa waxaa uu la daalaa-dhacaya tan iyo markii la amagacaabay Caqabado ka heeysta Dhanka Maamulka Iyadoo Fara-galin toos ah looga haayo Xafiiska R/wasaaraha
Xildhibaanad Mina Xassan Shbis iyo Dadka Shacabka ah ayaana La Ogeeyn sida ay ugu qanci doonaan Talaabdaani Hase’yeeshee Warar Hoose oo aynu helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in Kheeyre u yeeray Mina