Gudoomiye Yariisoow Iyo Ku-Xigeenadiisa oo ku Heshiiyay Boobka Dhul uu Lahaa Wasiir Hore iyo Gabadha Wasiirkaas oo Afka Furatay (VIDEO)

Reading Time: < 1 minute

Maalmihii danbe waxaa isi soo tarayay cabashooyin ay saxaafada ay la wadaagayeen shacabka ku nool caasimada kuwaasi oo ka cabanaya boobka ay ku hayaan maamulka gobolka banaadir oo uu horkacayo gudoomiye yariisow

Tan iyo markii loo magacaabay eng yariisoow gudomiyaha gobolka banaadir waxa uu bilaabay ku tagri falka awooda gacanta loogeliyay isagoo si bareer ah u dhaca hantida ma guurtada ah ee shacabka ku nool caasimada

Shikri aadan shire laaw waa gabadha uu dhalay wasiir hore aadan shire laaw kaasi oo leh milkiyada dhul ku yaala degmada shangaani balse haatan uu muran xoogan uu gurigaas ka taagan yahay

Shukri ayaa waxa ay soo bandhigtay cadeymo cadeynaya iney milkiyada dhulkaasi uu leeyahay aabaheed balse boob ay ku hayaan gudoomiye yariisow iyoi ku-xigeenadiisa marwo basmo cadeymaha shukri aadan shire ay soo bandhigtay ayaa u muuqda kuwa soo baxay ka hor maamulka yariisow balse eng yariisow uu isku dayayo inuu si bareer ah uu u dhaco dhulkaasi.

”waxaa guriga naga heeysto oo cadeeystay gudoomiyaha gobolka banaadir yariisow wuxuuna nagu wargeliyay inaan bixino 54 kun oo dolar si’aan gurigeyna dib ula wareegno mudo 11 bilood ah waxaa handadaado iyo ku tagrifal awoodeed kala kulmeynay gobolka banaadir” ayey tiri shukri aadan shire laaw

Sikastaba ha ahaatee arrinkan ayaa kusoo beegmaya xilli musuq maasuq baahsan uu ka jiro xafiiska gudoomiyaha gobolka banaadir.