Gudoomiye Yariisoow iyo Ku Xigeenadiisa oo isku khilaafsan Maamulka Daqliga Gobolka Banaadir!!

Reading Time: 3 minutes

Gobolka Banaadir ayaa waxaa mar-walbo loosoo magacaabaa shaqsiyaad  dhiiga iyo dhaqaallaha Umadda Soomaaliyeed in ay ka dhergaan diyaar ah,waana sababta qasabta  in Had iyo Gooraale qaraxyo iyo dilal qorsheeysan ay uga dhacayaan.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadit ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariiisoow  iyo Gudoomiye ku Xigeenadiisa yeey wararku hada sheegayaan in ay isku khilaafsan yihiin daqliga Gobolka sidii loo Maamuli iyagoo aad u daneeynaya in ay Gacanta ku dhigaan Hantida Gobolka oo uu mid walbo rabo in uu Accoon-no gaar ah ku shubtaan.

Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Maamulka & Maaliyada ee gobolka Banaadir la sheegay in uu horey u ahaa Madaxa Isbitaalka Erdogan Ex-Digfoor, halka xoghaya maamulka gobolka Cumar C/Risaaq horey u ahaa Xogheynta R/Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Gudoomiye Ku Xigeenka 1-aad Ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tuulax ayaa waxaa uu aad u daneeynayaa in uu gacanta Gudoomiye yariisoow ka bixiyo Maamulka Dhaqaallaha si uu ugu tagri falo,taas ayaana sababtay in uu meesha ka baxo Howshiisii loo igmaday waxuuna lugaha la galay Arimo kale

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tuulax oo u  dhashay (Beesha Habar Gidir -Sacad) ayaa la rumeeysan yahay in uu ka shidaal qaato shaqsiyaad ku sugan Fila soomaaliya kuwaasi oo kasoo horjeeda Hogaanka Maamulka Gobolka Banaadir,waxaana tani loo maleeynayaa in ay qaab ka qaadan doonto Xil ka qaadista Yariisoow oo Bilooyinkii dambe la hadal haayay

Hussein Mohamed Nur Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Maamulka & Maaliyada oo u dhashay  (Beesha Murusade -Sabti -Israafiil) ayaa isna waxaa uu doonayaa in Maamulka Maaliyadda looga Dambeeyo waxaana gadaal ka riixaya R/wasaare Xassan Cali Kheeyre oo ay isku Beel-yihiin

4-Marwo Basma Omar Ahmed Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada & Wacyigelinta  oo u dhalatay (Beesha Reer Xamar Camuudi) ayaa waxaa ay Korjoogto ka tahay Arimahaan waxeeyna ka madax banaan tahay loolanka jira iyo sidoo kale arimahaan daqliga la Xariirta

Aadan Sheikh Cali Fidow Guddoomiye kuxigeenka Howlaha Guud  oo u dhashay (Maxamuud Hiraab Duduble) ayaana isna ka qeeyb ka aheeyn Arimaha khilaafka waxuuna yahay shaqsi ka madax banaan oo kaliya hadba ruuxii rabooda uu ku adeegto

Cumar Abdirisaak Xuseen Xoghayaha Guud ee gobolka oo u dhashay (Beesha Xawaadle) ayaa waxaa uu garab siinayaa  Hussein Mohamed Nur Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Maamulka & Maaliyada  waxeeyna labadooduba ka socdaan dhanka Xafiiska R/wasaare Kheeyre

Shacabka Ku nool gobolka banaadir ayaa waxaa ay aad ula yaaban yihiin Arinkaan Foosha xun ee Maamulka Gobolka Banaadir uu ku dhaqaaqay waxeeyna tani qeeyb ka tahay Fashilka Cad ee Dowlada Maadaama Meel walbo uu ka jiro Buuq siyaasadeed soo wajahaya