Gudoomiye Mursal’’Hadii an rooboow lasoo deeyn xilka waan ka tegayaa””

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiyaha Baarlamaanka dowlada federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal shiikh C/raxmaan oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka baay ayaa waxaa uu ka hadlay xariga Muqtaar Rooboow cali oo ku xiran Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in ay ka go’an tahay in lasoo daayo Muqtaar rooboow hadii ay taasi dhici-weeyso ayuu sheegay in uu xilka ka tegaayo islamarkaana ay suuragal sii ahaaneeynin xirnaanshiyaha sharci darada ah ee Muqtaar rooboow.

Madaxweynaha Maamulka K/galbeed Cabdi casiis lafta-gareen ayuu sheegay in ay isku go’aan yihiin islamarkaana ay qaadanayaan go’aan mid ah.

Dadbadan ayaa aaminsan in warka gudoomiye Maxamed mursal shiikh C/raxmaan in uu yahay mid bulshada K/galbeed lagu qancinaayo

https://youtu.be/zqYjFsIlCaQ