Xildhibaan Hore Cabdi Barre Jabriil oo la hadlay mid ka mid ah warbaahinta gudaha ayaa waxaa uu sheegay in gudoomiyaha baarlamaanka uu qaatay go’aan badbaado ah kaasi oo muhiim ah u dalka.
cabdi Barre Jabriil ayaa waxaa uu sheegay in Go’aanka gudoomiye mursal uu qaatay ee ah in ay shaqadooda wadan karaa gudigga Maaliyada ee baarlamaanka in uu yahay mid loo riyaaqo,waxuusa xusay in ay jiri karaan shaqsiyaad aan ogoleeynin wanaagaasi.
“Gudoomiye Mursal Waxa uu qaaday Tilaabo Sharci ah oo uu u maray Qaab Sharci ah , Waxa uuna badbaadiyey sharciga dalka”sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Cabdi Barre Jabriil
Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal shiikh C/raxmaan ayaa ogolaaday in ay dib u shaqeeyn karaan gudigii ay kala direen Ku xigeenadiisa