Gudoomiye Mursal ”Waa In La Ixtiraamaa Xasaanada Ay Leeyihiin Xildhibaanada Baarlamaanka”

Reading Time: < 1 minute

Tiro Xildhibaano ayaa Maanta loo diiday gelintaanka Xarunta Golaha Shacabka,isla markaana ay kahor-istaageen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominaya ayaa ciidamada ugu baaqay inay dhowraan xasaanada Xildhibaanada.

Waxa uu ka codsaday guddiyada amniga iyo difaaca Golaha Shacabka inay baaritaan dhab ah ku sameeyaan ishor-istaaga maanta lagu sameeyay Xilhibaanada Golaha Shacabka.

 

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!