Gudoomiye Mursal oo xayiraad laga saaray biyaha iyo cunada maxay tahay sababta?

Reading Time: < 1 minute

Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa mareysa meel adag ka dib markii Xildhibaano ka tirsan Golaha ay Shacabka ay Mooshin ka keeneen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa warbaahinta u sheegay in Guriga Gudoomiyaha Golaha Shacabka laga jaray biyaha iyo Cuntadii, islamarkaana ay xilliggaan ka taagan tahay Xaalad adag.

Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ee tagay guriga Gudoomiyaha ayaa warbaahinta u sheegay in guriga Gudoomiyaha laga jaray Cuntadii iyo biyihii.

Waxaa uu sheegay in ay qaadi doonaan tilaabooyin looga jawaabayo Go’doominta lagu sameeyay Gudooomiye Maxamed Mursal iyo Ciidankii Ilaalada ka haayay.

sikastaba ha ahaatee waxaa la fahamsanyahay in farmaajo iyo kheeyre ay doonayaan in si awood ah ay ku afduubtaan masuuliyiinta ka damqada dhibta ay shacabka ku hayaan iyo burburka iyo bililiqada ay dalka ku sameyeen.