Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan sheegay in Golaha Shacabka aysan aheyn Hay’ad loogu tala galay in ay hor istaagto shaqooyinka Xukuumadda islamarkaana uun u taagan ka daba-qalabqaadashadooda,Arinkaan ayaa su’aal adag la iska weeydiinayaa hadii ayna baarlamaanku la xisaabtamin xukumada mudane gudoomiye yaa la xisaabtamaya??
Gudoomiyaha waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in dadka Soomaaliyeed ay Ogaadaan in Golaha Shacabka ay yihiin Hay’ad Sharci dejin ah oo aan fidno abuur aheeyn”Su’aal kale mudane gudoomiye warkaagu sow uma eko kii kooxdii laheed xildhibaanada mucaaradka ah waa qaran dumis??
waxaa uu sheegay in Kalfadhiga soo socda ay xooga saari doonaan la xisaabtanka xukuumadda Soomaaliya iyo waliba meelmarinta Sharciyadda doorashooyinka Qaranka,gudoomiye warkaagii kore masoo hilmaamtay??
Gudoomiye Mursal ayaa waxaa inta badan la tuhmaa in uu yahay shaqsi isbedbedel badan oo aan isku kalsooneeyn